Qarax Miino oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa caawa  ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa haleelay caruur ku ciyaareysay oo la sheegay inay miinada ku garaaceen bir, kadibna ay ku qarxday, waxaana ku dhintay laba caruur ah oo midkooda lagu magacaabi jiray C/Shakuur Qooje, iyadoo meydkooda la dhigay Isbitaalka Madina.

Caruurta qaraxa qabsaday ayaa ahayd kuwa derbi jiifka ah ee wadooyinka ku dayacan, waxaana u gurmaday Aamin Ambulance oo meydadkooda u daabushay Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho