Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag isagoo ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ku eedeeyay inay ka danbeeyeen qarax ay sheegtay Alshabaab oo ka dhacay agagaarka Siinka Dheer.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mida xildhibaannada kasoo horjeeda hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa FB ku sheegay in deegaanka Siinka Dheer ee magaalada Mogadishu lagu laayay askar kala ahaa: L/X Da’ud Yuusuf Maxamed, (Loowgàan), Xirsi Urur Diiriye, C/raxiin Qaalid Maxamed Suudi, iyo Daahir Xasan Nuur Siyaad (oo dhaawac culus qaba).

Xildhibaanka ayaa sheegay in askarta oo ka kala tirsaneed Guutada 3aad, Ururka 18aad iyo Guutada 6aad, Ururka 54aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed., wuxuuna ugu baaqay Taliyaasha Ciidamada Xooga iyo Nabadsugida in ay tillaabo degdeg ah ka qaadaan, sharcigana horkeenaan ciidamadii Nabad Sugida ee falkaas geystay, sida uu yiri.

Dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxayna warbaahinta taageerta baahisay in qaraxa loo dhigay ciidamada Alpha Group ee Mareykanku tababaray.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in marka qaraxu dhacay kadib ay ciidamo goobta ku sugnaa ay rasaas huwiyeen gaariga qaraxa qabsaday, mana jirto wax war ah oo ah hay’adaha ammaanka kasoo saareen arrintan.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u muudda inuu qeyb ka yahay olole ay koox ka kooban siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaaradka ah ku  bilaabeen ciidamada NISA, waxayse arrintan oo caddeyn uga baahan xildhibaanka noqon kartaa mid uu ku muto in dacwad lagu soo oogo, lagana qaado xasaanadda.